Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika written by Warsan Radio 15/01/2023 Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray halka uu dila ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Burcaddii dilka geysatay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida oo dhankooda tegay dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in falka lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed uu u muuqday fal bahalnimo ah ayna ka walaacsan yihiin.Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo oo Kooxaha Burcada ah mararka qaar ay dhac u geystaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida kadib markii ay dilaan. Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika was last modified: January 15th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaanad hore oo lagu dilay Caasimadda Afgaanistaan. next post Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo You may also like Wasiirka Amniga Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 27/04/2022 Qaraxyo ka dhacay Muqdisho 29/10/2022 Boqollaal Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza 08/12/2023 Akhriso:-Guddoonka Aqalka sare iyo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey oo kulmay 09/10/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 31/01/2022 Sawiro;-Madaxweynaha Jubaland oo Wadahadal la yeeshay James Swam iyo Xubno Katirsan QM 20/09/2022 Diiwaangelinta Musharrixiinta xilka Madaxweynaha oo ka socota Muqdisho 09/05/2022 Hanti dhowraha Qaranka oo Hay’adaha dowladda ka joojiyay gelida heshiisyo 19/07/2022 Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay 26/02/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.