
Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa.
Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareeyeey mugdi kaddib marki ay gantaalaha Ruushka burburiyeen kaabayaasha korontada magaalooyin dhowr ah.
Mar sii horreysayna UK waxay sheegtay tiro Taangiyada ‘Challenger 2’ iney Ukraine u direyso si ay difaaceeda ugu xoojiso.
Ra’iisul wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa wuxuu sheegay Tangiyada Challenger ee ay UK sameyso iney Ukraine ka caawinayaan ‘iney ciidamada Ruushka dib u riixdo.’
Ruushkaayaa wuxuu sheegay hub dheeri ah oo Ukraine la siiyo iney ka dhalaneyso howlgal ballaadhan oo ay ciidamada Ruushka qaadaan iyo waxyeello tiro badan oo dadka rayadka soo gaarto.