Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. written by Warsan Radio 17/01/2023 Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday saldhig ay militariga dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa 75km waqooyi ka xiga Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xooggan.Weerarkan ayaa al-Shabaab ay u adeegsadeen qaraxyo iyo maleshiyaad weerar ah, waxaana iska caabiyey militariga, sida uu sheegay Taliyaha militariga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.Militariga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay.Taliyaha militariga Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyey dhimashada shan askari. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo lagu magacaabay Col. Abshir Shataqey. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku dileen 21 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamul goboleedka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli sii waddaa inay weeraro ka fuliso gobolka. Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. was last modified: January 17th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Ciidamada dowladda oo qabsaday Ceeldheer You may also like Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Namibia 03/12/2020 Wafdi ka socda Masar oo muqdisho kula kulmay wasiirka arimaha dibada 07/12/2020 Maxaa ay Tahay Sababta Wafdi Ka Socday Shiinaha Oo Loogu Diiday Inay Galaan Baarlamaanka UK 16/09/2022 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya: “Waxaan tababareynaa seddax meelood meel militeriga Soomaaliya” 07/08/2020 Faahfaahin diyaarad ku dhacday duleedka degmada Caabudwaaq 17/12/2022 Baarlamaanka Puntland oo diiday ansixinta mas’uuliyiin uu Magacaabay Madaxweyne Deni 04/07/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 17/06/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN. 14/10/2019 Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare oo 3-qodob ka soo saaray shirka Dhuusamareeb 15/08/2020 Dhageyso: Barnaamijka Caafimaadka Idaacada Warsan 14/05/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.