
Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Koox Eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac Kasoo geystay Magalada Garowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland, Kadibna usoo baxsaday Magalada Muqdisho.
Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidoo kale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan Cawil.
Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir oo horay luugu soo gudbiyay xogta eedeeysanyaashan ayaa xalay waxaa qabtay Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Shibis oo labo kamid ah ka qabtay isla guri ku yaala Degmada Shibis, halka midka laga qabtay Degmada Xamar-Jajajb.
War kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in Eedeeysanyaasha la hor geynayo Maxkamadaha dalka si luugu fuliyo Xukunkooda.