Waxaa kulan looga hadlayay Amniga gobolka Jubabda Hoose magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ku yeeshay Taliska Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS.
Kulanka ayaa sigaar ah waxaa uu sigaar ah u dhexmaray Koox ka socotay ciidamada ATMIS ee dalka Itoobiya iyo saraakiisha ugu saraysa ciidamada booliska Jubaland oo uu horkacayo taliyaha booliska gobolka Jubbada Hoose Sadiiq Maxamed.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabad-gelyo ee degaannada Jubbaland & dhinacyada iskaashiga si loo horumariyo amniga loona bilaabo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha labada dhinac ayaa isku raacay in la dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga, sidoo kalena la xoojio wada-shaqeynta u dhaxeeysa Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaannada Jubbaland waxaa ka socday howlgallo ay wadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, waxaana ay kula wareegeen degaano ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.