Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmaya shir u dhaxeeya Madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti Iyo Itoobiya.
Shirka ayaa looga hadli doonna Xaalada Amni ee Soomaaliya iyo sidii dawlada Federaalka looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto Alshabaab ee ka socda qaybo badan oo ka tirsan gobolada dalka iyo kaallinta Ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya ay ka qaadanayaan Hawlgallada ka dhan ah Alshabaab.
Madaxda Dalalka Ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maanta Muqdisho soo gaaraan iyadoo inta badan la xidhay Wadooyinka muhiimka lana joojiyay socodka Gaadiidka.