Dagaal u dhexeeyay ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni, khasaaro dhimasho ayaa laga soo weriyay inuu dagaalkaasi ka dhashay.Al-Shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegteen inay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee Jubbada Hoose ku dileen 5 Askari oo ka tirsan ciidamada Maamulka, ayna ka furteen 5 qoray oo AK47 iyo hal qorey oo PKM ah.Saraakiisha ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalkii iyo weerarka dhacay, Si kastaba Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay weeraro khasaaro dhaliyay ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland.