Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo sida la sheegay lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidamada uga sameeyeen degaanka Garilow oo ka mid ah deegaanada u dhow degaanka Janaale oo hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.War ay baahisay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena gacanta ku dhigeen laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen xubnaha howlgalka la dilay.Howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada qorsheysan oo ay ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka.Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay kuwa degaanka waxaa ay howlgallo ka fuliyeen degaao iyo degmooyin katirsa Gobolada, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.