Ciidamada ATMIS Ee saldhiga ku lahaa Degmada Raaga Ceelle Ee sh/dhaxe ayaa maanta saldhigii ay deganaayeen ku wareejiyay Ciidamada Milateriga DFS, waxaana munaasabada goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Xoog dalkaQoraal ka soobaxay ATMIS ayaa lagu yir’’Ciidamada ATMIS-ka Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah si ay u xoojiyaan ammaanka iyadoo la eegayo hakadka joojinta saddexda bilood ah ee ay dalbatay DFS’’.Tallaabadaan ayaa kusoo aadaya xilli muddo saddex Bilood ah dib loo dhigay inay Soomaaliya ka baxaan Ciidamada ATMIS kadib markii ay codsatay Dowladda Soomaaliya.