Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah.Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto Sharciga Caalamiga iyo xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la,aan ah ”Dad kabadan 500 oo qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay duqeynta Calay ay israil la beegsatay cisbitaalka Al-Ahly .