Hooyo iyo Gabadheeda ayaa shalay oo Jimco ahayd la sii daayey, kadib markii ay Dowladda Qatar galaangal u gashay sii-dayntooda sababo dhanka Aadminimada.Judith Tai Raanan oo 59 jir ah iyo Gabadheeda, Natalie Raanan oo 17 jir ayaa waxaa loo gudbiyey Israel, iyadoo la filayo inay u dhoofaan Maraykanka.Qoyska oo ka soo jeeda magaalladda Chicago ee Gobalka Illinois waxay Israel ku joogeen Socdaal ay kuam booqanayeen Ehelkooda oo ku nool Deegaanka Nahal Oz ee Koonfurta Israel.Bishan October 7-dii ayey Dagaalamayaasha XAMAAS weerar qorsheysan ku qaadeen gudaha Israel, waxayna gacanta ku soo dhigeen ku-dhawaad 200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah.