Gargaarkii bani’aadminimo ee labaad, tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil, Israa’iilna ay adkaysay xayiraadda, ayaa loo fasaxay in Qasa la geeyo. Tobanaan gaari oo gargaar sida ayaa ka soo galay dhinaca xudduudda Masar.Dhinaca kalena, Israa’iil ayaa sii xoojisay duqaymaha ay ka waddo Qasa, ka hor weerarka dhulka ee aadka loo hadal hayo. Wararku waxay sheegayaan in qarax weyn laga maqlay meel u dhow isbitaalka Shifa, halkaasoo dad badan ay gabbaad ka dhigteen.
Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaza iyo Tobanaan Gawaari oo Xuduudda ka gudbay
previous post