Degaano iyodegmooyin katirsan gobolka Gedo waxaa Maalmihii la soo dhaafay si xowli ah uga da’ayay roob watay daadad xoogan sidoo kalena kajiray fatahaad uu sameeynayay Wabiga Jubba, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadee.Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 5 Ruux oo laba kamid ah ay u dhalatay dalka Itoobiya ayaa ku geeriyootay Roobka iyo fatahaadaha ka dhacay degaano iyo degmooyinka Gobolka Gedo, halka kumanaan Qoys ay ku barakaceen.Guddoomiyaha degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Caroog ayaa sheegay in roobka daadadka watay iyo fatahaadaha uu guud ahaan saameeyay degmooyinka iyo degaannada Gobolka Gedo, isla markaana haatan Gobolka ay kajirto xaalad Qatar ah.Wuxuu sheegay in Maalinta Berito oo Isniin ah in Gobolka Gedo uu ka dhacayo shir ay isugu imaanayaan madax ka socoto Hay’adaha Caalamiga ah iyo mas’uuliyiin katirsan JUubbaland si ay uga arrinsadaan dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo.Boqolaal Qoys ayaa ka barakacay roob daadad watay iyo fatahaadaha ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo, waxaana jira dad aad u farabadan oo ku dhibaateysan degaannadii ay u barakaceen.