Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Muhiimada qaadista cunaqabateyntii Soomaaliya saarneed mudo 31 Sano
Jeneral Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ugu horreyntii ugu mahadceliyey madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarneed.
Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxaana uu muhimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah ayuu yiri.
Dawlada Madaxweyne xasan sheikh & Dawladihii ka horeeyay ayaa dadaal badan Go’aanka uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uu ku qaaday Xayiraada Hubka ee saarneyd Soomaaliya Muddo ka badan 30sano.