
In ka badan 350 oo qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waxay ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan, kaddib marki ay ciidanka Israaβiil Khamiisti shalay weerareen magaalooyinka ugu waaweyn Marinka Gaza.
Qaar badan oo ka mid ah dadka barakacay ayaa isugu tagay aagga Rafax oo dhaca xuduudka koofureed ee ay Gaza la wadaagto Masar, kaddib marki ay aqristeen farriimo ku qornaa warqado ay diyaaradaha Israβil kor uga soo daadiyeen Gaza, kuwaas oo dadka ku boorriyay in ay tagaan Rafax si loo nabadgeliyo.
Hase yeeshee, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay, in duqeymo halkaasi ka dhacay xalay ay ku dhinteen ilaa 37 qof. Millatariga Israaβiil ayaa Khamiistii ku eedeeyay Xamaas in ay madaafiic kasoo tuureen agagaarka Rafax.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan jirin goob nabaddoon oo Gaza ku taalla. Sida ay sheegeen saraakiisha, in ka badan 85 boqolkiiba dhulki ay deganaayeen in ilaa 2 milyan oo qof ayay dadku ka barakaceen Marinka Gaza.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isticmaalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka βmasiibo biniβaadantinimoβ oo ku soo fool leh Gaza, isaga oo ku boorriay xubnaha golaha in ay dalbadaan xabbad-joojin.