Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay inta u dhexeeyso degmooyinka Beled-weyne iyo Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo ujeedkiisu ahaa ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka ku guuleeysteen inay gacanta ku soo dhigaan Xubno katirsan Al-Shabaab oo wadada ku aasay miino si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee wadadaasi ku safra.
Saraakiisha ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor-gor ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay inay soo saareen miinooyinka Al-Shabaab wadada ku aaseen isla markaasa gacanta ay ku dhigeen raggii ku howl-lanaa aasida miinooyinkaasi.
Saraakiishu ma sheegin tirada raga la qabtay, hayeeshee ay sheegeen inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay kuwa degaanka ay weerareen saldhigyo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen degaan hoostaga degmada Xarardheere, isla markaana howlgalkas ay ku dileen in ka badan 30 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalladaan ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ka wadaan degaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Mudug ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay ay hakadeen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, balse dowladda Soomaaliya hadda ay kujirto diyaar garoowgii ugu dambeeyay eek u aadan dib u billaabida howlgallada.