Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland.
Maalmaha uu Madaxweyne Qoor Qoor ku sugan yahay Kismaayo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Jubbland.