Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS written by Warsan Radio 13/12/2023 Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya.“Waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”. ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu shalay ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya. Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS was last modified: December 13th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo Shixnado gargaar ah u dirtay Gobolka Hiiraan next post Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza You may also like Ruushka iyo Ukraine oo Maanta heshiis kala saxiixanaya 22/07/2022 MALI oo xayiraada laga qaaday kadib magacaabistii Raysalwasaraha & Xukumada cusub 07/10/2020 Dhageyso: Diinta Islaamka Maxey Kaqabtaa Takoorka Ama Midib Naceebka? 01/03/2020 Akhriso:-Ra’iisal Wasaare Khayre oo daah-furay kulanka wadatashiga siyaasadda loo dhanyahay 04/07/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/12/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 21/06/2020 Buundo ku taalla Magaalada Muqdisho oo dab la qabadsiiyay 21/08/2023 Ganacsade xaley lagu dilay Muqdisho iyo raggii dilka fuliyey oo iyagana la dilay 27/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/11/2019 Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho 19/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.