DEG DEG: Mid kamid ah Ciyaartoyda Xulka Galmudug oo Goor dhow geeriyooday written by Warsan Radio 09/02/2024 Waxaa goor dhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ku geeriyooday mid kamid ah xiddigihii u ciyaarayay Xulka Kubadda cagta ee Galmudug.Muxudiin Cabdi Muriidi Diinow oo ka ciyarayay dambeedka bidix ee Xulka Galmudug ayaa xanuun kadis ah oo kusoo dooday sababay geeridiisa, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Dhuusamareeb.Allaha u naxariisteen Muxudiin Cabdi ayaa shalay safar ay ciyaartoyda Galmudug ku aadeen magaalada Guricreel ee Gobolka Galgaduud uga haray xanuun yar oo uu dareemayay dartiis.Maamulka Galmudug iyo xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaan weli ka hadal geerida ku timid Muxudiin Cabdi Muriidi Diinow oo ka ciyarayay dambeedka bidixi ee Xulka Galmudug oo ku guuleystay tartankii maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.Xulka ciyaartoyda Galmudug ayaa safar ku jooga magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo shalay gaaray magaalada, iyagoona ka tagay caasimadda Maamulka ee Dhuusamareeb. DEG DEG: Mid kamid ah Ciyaartoyda Xulka Galmudug oo Goor dhow geeriyooday was last modified: February 9th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Burcad Dil u geysatay Muwaadin Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay next post Waxyaabaha Madaxweyne Xasan kala hadlay Culimo uu kula kulmay Villa Somalia You may also like Dad Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday Shabeellaha Hoose 20/04/2022 Faah faahin:-Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo lagu dilay Jowhar 17/08/2020 Daawo Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Xariga Ka Jaray Machadka Sare Ee Daraasaadka Amniga 02/08/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 16/11/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 13/08/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/01/2019 Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Talyaaniga 08/02/2023 Weerar ka dhacay duleedka Kismaayo 20/03/2022 Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho 27/07/2020 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo lagu soo dhaweeyay (Sawiro) 22/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.