Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo jimco ah u codeynaya qaraar qabyo ah oo ka yimid Mareykan ,isla markaana ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza,taasoo xiriir la leh siideynta dhammaan la haystayaasha dhinacyada Israel iyo Flastiin.
Waxyaabaha ku qoran qaraarkaan ayaa waxaa kamid ah baahida loo qabo in xabbad joojinta loo arko fursad lagu abuurayo xaalad sii waarta oo lagu joojiyo colaadaha iyo in la helo xalka laba dowladood oo ku wada nool si nabad ah.
Waxa kale oo loogu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ,gaar ahaan kan bini’aadanimada, ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaale.
Qaraarkan qabyada ah ayaa ka soo horjeeda barakicinta qasabka ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Gaza,waxaana sidoo kale qoraalka lagu xustay in Gaza ay qayb ka tahay dhulkii la qabsaday 1967.
Qaraarka qabyada ah Waxaa loo yaqaan “E-10”, waxa uuna ku baaqayaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Codeynta kadib xubnaha la doortay ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale diyaarin doona qaraar qabyo ah oo ku saabsan xaaladda Gaza,gaar ahaan dhinacyada xabad joojinta,ilaalinta dadka tayidka ah iyo gaarsiinta sahayda bini’aadanimo ee deegaanada Gaza.