Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta Shixnad gargaar ah oo gaaraysa 4,000 oo tan u dirtay dowlad goboleedka Jubbaland, waxana doonidaan sidda gargaarkaan lagu wadaa in ay ku xirato Dakedda Magaalada Kismaayo.
Gargaarkaan oo Dakadda Muqdisho uu ka sagootiyey Maanta Guddoomiye ku xigeenka Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka maamulka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.
Gargaarkaan ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga, waxaana hayโadda mar walba ka goโan caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan.