MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DEG DEG AH LA QAATAY LAAMAHA AMNIGA, UNA TACSIYEEYAY SHACABKII KU WAXYEELOOBAY WEERARKII LIIDO written by Warsan Radio 03/08/2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed. MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DEG DEG AH LA QAATAY LAAMAHA AMNIGA, UNA TACSIYEEYAY SHACABKII KU WAXYEELOOBAY WEERARKII LIIDO was last modified: August 3rd, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa Maanta xarunta gurmadka Qaran ku shir guddoomiyay kulan kooban next post Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabab ka geysteen xeebta liido You may also like Madaafiic Hoobiyeyaal oo ku dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii u dambeeyay 02/02/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/11/2020 Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe 04/06/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/06/2020 Akhriso:-Dhallinyada Caabuudwaaq Oo Ra’iisul Wasaare Khayre La Yeeshay Kulan Ay Su’aalo Ku Waydiiyeen 29/06/2019 Odayaasha Dhaqanka Garxajis oo dagaalka Laas-Caanood ku eedeeyay Xukuumadda Muuse Biixi 19/02/2023 Ninkii Hitler muuqaalkiisa dartiis shaqadiisa ku waayay oo lacag helay 11/08/2020 Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamo u diyaar garoobaya Dagaalka AS 22/10/2023 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay xariggga Sharci darada ah ee lagu kacay afar weriye oo u shaqeeya Eryal TV 30/07/2019 Sawiro;-Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiiro Cusub 12/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.