Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabab ka geysteen xeebta liido written by Warsan Radio 04/08/2024 Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimo ee kooxda khawaarijtu ka geysatay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyoodeen 32 qof oo shacab ah sidoo kalena ku dhaawacmeen 63 qof.“Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.”ayaa lagu yiri bayaanka Cambaaraynta ah.“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka, Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabab ka geysteen xeebta liido was last modified: August 4th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DEG DEG AH LA QAATAY LAAMAHA AMNIGA, UNA TACSIYEEYAY SHACABKII KU WAXYEELOOBAY WEERARKII LIIDO next post Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa shaaciyay akoonnada lagu soo diri karo lacagaha loogu gurmanayo ehelada iyo caruurtii ay dadkooda ku waayey Masiibadii ka dhacaday liido. You may also like Akhriso:- Qoyska reer Boqor oo kula kulmay Qasriga magaalada Riyadh wiilka uu dhalay Khashoggi ee Salah 23/10/2018 Dad loo soo qabqabtay Qarax kadhacay magaalada kismaayo 11/06/2020 Maxay Golaha Muslimiinta Faransiiska ka yirahdeen hadalka Erdogan? 27/10/2020 Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo Muqdisho lagu qabtay. 01/08/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 13/07/2022 Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo gaaray degmada Matabaan 21/08/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 02/06/2021 Hir-Shabeelle oo ay shaacisay Jadwalka doorashada kuraasta taalla magaalada Beledweyne 21/02/2022 Madaxweynaha Somaliland oo xilka qaadis iyo Magacaabis sameeyay 10/11/2021 Madaxweyne Trump oo hakiyay aqoonsiga deganaashaha ee kaarka cagaaran 22/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.