
Sheekh Aadan Modoobe ayaa hoggaanka iyo howl-wadeennada hay’adda ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in il gaar ah lagu hayo degaannada iyo degmooyinka laga xoreeyay Argagaxisada iyo goobaha ay go’doomiyeen, isagoo ballan-qaaday in Golaha Shacabka uu kaalintiisa ka qaadan doono gurmadka dadka uu saameeyay weerarkii Liido.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga mahadceliyay kaalintiisa odaytannimo iyo dareenkiisa bani’aadannimo ee uu mar waliba la garab taagan yahay bulshada dhibaatooyinku la soo gudboonaadaan.
Inta la ogyahay ilaa hadda 39 qof ayaa ku dhintay halka in ka badan 200 oo ruux ay ku dhaawacmeen weerarka fulaynimada ah ee Argagaxisada, iyadoo la la’yahay 4 qof, isla-markaana ay ku burburtay hanti ku dhow 700,000 oo doolar.