MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA TURKIGA OO KU WADA HADLAY KHADKA TALEEFANKA written by Warsan Radio 12/08/2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah. MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA TURKIGA OO KU WADA HADLAY KHADKA TALEEFANKA was last modified: August 12th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xisbiga Himilo Qaran”Waxaan cambaareyneynaa haddalkii dhallinyarada Soomaaliyeed Gafka ku ahaa ee uu MW Xasan Sheekh ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada” next post Faah-Fahin:Qarax xoogan oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 15/09/2020 UK oo cambaareysay xukun dil ah oo Somaliland fulisay 17/02/2022 Maamulka Jubbaland oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb galka doorashada Soomaaliya 13/02/2021 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in degaano horleh lagala wareegay Al-Shabaab 27/09/2022 In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo 24/06/2022 Dhageyso: Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Sheikh Kahadley Amaanka Oo Goboladaan KGS 15/08/2016 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamaka 27/02/2022 Akhriso+Sawieo:-Wijigii labaad oo galay shirkii looga hadlaayay tamarta dalka. 21/08/2019 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 26/12/2017 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 01/06/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.