SOOMAALIYA IYO MASAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO AMNIGA written by Warsan Radio 14/08/2024 Qaahira, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda. SOOMAALIYA IYO MASAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO AMNIGA was last modified: August 14th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maamulka Degmada Xudur iyo Kan Gobalka Bakool oo ka qeybgaley kulan kusaabsan Qoritaanka sharciga ka hortagga leexsiga Kaalmada Bani’aadanimada next post 2,103 arday ayaa ka dhacaday Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir You may also like DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 07/11/2019 Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka oo farriin u dirtay ra’iisul wasaare ROOBLE 22/05/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 13/09/2022 Dhageyso: Barnaamijka Haweenka ee Idaacada warsan 18/05/2023 Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Ugu Badnaa Ee Loo Diyaariyay Dagaalka AL-Shabaab 28/11/2022 Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ka dhacday Muqdisho 10/05/2021 Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka 23/12/2022 Dhageyso: Fursado waxbarasho oo loo sameeyay dhalinyarada degmada qansax dheere. 05/02/2020 Dadkii Ugu Badnaa Oo Maanta Muqdisho Ugu Geeriyooday Coronavirus 21/04/2020 Akhriso:- Agaasimaha idaacada Hiddo Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ku dhaawacmay qarax loogu xirey gaarigiisa 04/12/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.