Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan uu Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda kaga hadlayey dardargelinta hawlaha guddiga iyo sidii loo diyaarin lahaa warbixinta Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedyada ay xildhibaanada golaha shacabka soo mariyeen Akhrinta labaad kuwaasi oo ay hore ukeentay golaha Wasaaradda Beeraha & Waraabka XFS. Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha guddiga ayaa ugu dambeyn la isla qaatay in xubnaha maqan ee guddiga ay si degdeg ah u soo xaadiraan kulamada guddiga, isla markaana la dardargeliyo korjoogteynta wasaaradaha.
GUDDIGA BEERAHA, HORUMARINTA REER MIYIGA, XOOLAHA IYO KHEYRAADKA BADDA EE GOLAHA SHACABKA OO KULAN YEESHAY was last modified: August 19th, 2024 by Warsan Radio