Booliska Gobolka Banaadir ayaa guul weyn ka gaaray howlgal ka dhan ah burcadda dhibaatada ku haysa shacabka, iyaga oo gacanta ku dhigay saddex nin oo hubeysan kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhac u geysan jireen dadweynaha ku nool degmada Dharkenley. Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Dharkenley ayaa si habsami leh u fuliyay howlgalka, iyagoo soo xiray raggan hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen, taasi oo ay u adeegsan jireen falalka dhaca.
Booliska ayaa si cad u shaaciyay magacyada iyo sawirrada shaqsiyaadka la qabtay, si bulshada loogu wargeliyo horumarka laga gaaray la dagaallanka burcadda. Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Usmaan Tahliil Cali, Cabdullaahi Maxamed Isaaq, iyo Ismaaciil Maxamed Mahdi. Usmaan Tahliil Cali oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa kooxaha burcadda ee dhaca u geysan jiray dadweynaha. Cabdullaahi Maxamed Isaaq iyo Ismaaciil Maxamed Mahdi ayaa iyaguna si gaar ah loogu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falalka dhaca ee dadka shacabka ah lagu waxyeelleyn jiray.
Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa ah tallaabo muujinaysa sida ay ciidamada ammaanku uga go’an tahay inay wax ka qabtaan amni-darrada iyo dhibaatooyinka ka dhanka ah shacabka.
Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dadaallada noocan oo kale ah, iyaga oo kaashanaya xogaha laga helo shacabka iyo farsamooyinka sirdoonka si loo sugo amniga iyo badbaadada muwaadiniinta.
Falalka dhaca ee laga soo qabtay eedeysanayaashan ayaa ka mid ah dhacdooyinka ugu dambeeyay ee burcadda hubeysan ay ku dhaqaaqeen, taas oo sababtay cabsi iyo qalqal ku yimid shacabka ku dhaqan degmada Dharkenley. Booliska ayaa ku ammaanay shacabka degmada Dharkenley doorka ay ka qaateen soo qabashada burcaddan, iyagoo bixiyay xogaha horseeday guusha howlgalkan.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya sidii loo ciribtiri lahaa burcadda, iyagoo ku boorriyay bulshada inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada si loo gaaro nabad waarta iyo amni buuxa.