Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Venezuela ayaa Isniintii shalay sheegay in maxkamad ku taalla Venezuela ay ay soo saartay amar lagu soo xirayo hoggaamiyaha mucaaradka Edmundo Gonzalez, kaas oo lagu eedeeyay in uu shirqool iyo dambiyo kale geystay xili wali uu muran ka taagan yahay natiijadi kasoo baxday doorashadi madaxtinimo ee bishii July.
Doorashadaasi ayay Guddiga Sare ee maamula doorashooyinka sheegeen in uu ku guuleystay madaxweyne Nicolas Maduro, hase yeeshee waxaa isna guul weyn ka sheegtay hoggaamiyaha mucaaridka.
Qaar ka mid ah dowladaha galbeedka iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in doorashada aysan u dhicin si daah furan isla markaana dalbaday in lasoo bandhigo dhammaan codadki la tiriyay.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Venezuela Tarik Saab ayaa qoraal uu soo dhigay barta telegaraam oo ay araktay wakaaladda wararka ee Reuters ku xaqiijiyay waaranka loo jaray hogaamiyaha mucaaridka.
Arrin ayaa laga cabsi qabaa in ay sare u sii qaado howlgallada iyo ugaarsiga ka dhanka ah xubnaha mucaaridka dowladda Maduro, iyadoo todobaadyadi dhawaa ay booliska xirayeen dhalinyarada iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa mucaaridka.