
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa shil diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Xawaalow ee duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay in dadka saarnaa diyaarada ay geeriyoodeen dhammaantooda.
Diyaaradda dhacday ayaa la sheegay inay ka timid magaalada Dhoobley, islamarkaana ku soo wajahneen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in diyaarada burbur xooggan uu soo gaaray.
Shan qof oo shaqaale oo saarnaa ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Dhamaan 5-ta ruux ee ku dhimatay shilka ayaa la sheegay in ay ahaayeen ajaanib u dhashay Kenya.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay ayaa sheegay in ay cilad farsamo ay ku timid diyaaradaha, islamarkaana ay diyaaradaha saarnaayeen shan qof oo ka mid ah shaqaalaha diyaarada.