
Raโiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xalay la kulmay waxgaradka, qaybaha bulshad iyo hoggaanka sar ee maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo ku dhowaaqay goโaan la xiriira aqoonsiga maamulkaas curdunka ah.
Xamza oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa marka hore ballan qaadan in bulshada SSC-Khaatumo ay heli doonaan xuquuq lamid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda maamulkaasi in ay maamulka curdunka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.
Intaasi kadib waxa uu si rasmi ah ugu dhowaaqay aqoonsiga SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inuu yahay maamul jira oo kamid ah maamullada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray in lagu muransan yahay deegaannada maamulkaasi.
Dhanka kale, SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qayb-galeyso shirka golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Firdhiye oo isna aqbalay.
Casumaadda Madaxweynaha SSC-Khaatumo waxaa si rasmi ah u shaaciyay Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo sheegay inuu imaanayo shirka Muqdisho.
Raโiisul Wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddaas isla markaana uu ka qeyb geli doono kulanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madax goboleedyada qaarkood, maadaama uu Xasan Sheekh ka reebay Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb-galka kulankaan, halka Puntland ay is-hayaan hoggaanka Villada.