
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Madaxweynaha ayaa kaga qaybgalaya shirka dalalka ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo si rasmi ah u furmi doona jimcada maanta.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray:Β βInta uu socdo shirka, Madaxweynaha ayaa soo bandhigi doona guulaha Dowladda Federaalka iyo shacabka iskaashanaya ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah kooxda AS. Waxa uu sidoo kale madaxda kale kala hadli doonaa dardargelinta iskaashiga wadajirka ah ee dalka looga ciribtirayo kooxda AS.β
Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan walaacyo sii kordhaya oo la xiriira dhaqaale xumo saameysay Hawlgalka AUSSOM, taasoo sababtay in hoos u dhac ku yimaado taageerada loo fidiyo ciidamada ka howlgala Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa marar badan muujisay baahida loo qabo in la xoojiyo garab istaagga caalamiga ah si loo dhamaystiro hawlgallada lagula dagaalamayo kooxda AS.