
Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo.
Madaxweynaha dalkaas ayaa ugu hambalyeeyay danjire Feysal inuu noqday Danjirihii ugu horreeyay ee laga gudoomo muddo usbuuc ka yar oo uu joogay Waddanka, taasoo ka dhigan muhiimadda Xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dal.
Danjire Dr. Faysal Axmed Salaad ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo Dawladda Indonesia soo dhaweynta heerka sare leh ee loo sameeyey, waxaana uu salaam diirran ka gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud. Sida lagu yiri warsaxaafadeed kooban ay faafisay warbaahinta dowladda.
Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doona sare u qaadista xiriirka labada, isaga carabka ku adkeeyey in dhawaan labada dal ay samaysan doonaan iskaashi cusub.
Indonesia ayaa ka mid ah dalalka ay Ganacsatada Soomaaliyeed ay wax ka soo iibsadaan, taas uu abuurtay in Soomaaliya ay Safiir u dirsato dalkaan caanka ku ah waxsoo saarka uduga iyo dharka.
