
Shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo wakiillada Beesha Caalamka oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo dhinacyadu ay isku afgaran waayeen arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.
Sida ay ogaatay Mustaqbal Media, kulanka maanta ayaa si weyn diiradda loogu saaray nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sanadaha soo socda, xilli dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ay sheegtay in waqti iyo dhaqaale badan lagu bixiyay diyaarinteeda.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin in ay si toos ah u doortaan hoggaankooda, taas oo ay ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa muujiyay walaac ku saabsan qaabka ay dowladda u wajahday arrinta doorashada, iyagoo ku doodaya in aan weli la helin jawi siyaasadeed iyo mid amni oo suuragelin kara doorasho qof iyo cod ah oo loo dhan yahay.
Waxay sidoo kale dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka doorashada, islamarkaana la isla meel dhigo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.
Wararka ayaa sheegaya in mucaaradka ay miiska soo saareen aragtiyo kale oo ku saabsan nooca doorasho ee la qaban karo, kuwaas oo ay ku jiraan hannaan lagu heshiin karo oo ku meel gaar ah, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo qalalaase ka dhasha doorashada.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada maanta ay mararka qaar yeesheen dood adag, inkastoo dhinacyadu ay muujiyeen in ay weli diyaar u yihiin sii wadista wada hadallada.
Waxaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta ama maalmaha soo socda la qabto kulan kale oo lagu sii ambaqaadayo wadahadallada, iyadoo Beesha Caalamka ay dadaal ugu jirto in la helo heshiis siyaasadeed oo ay ku wada qanacsan yihiin dowladda iyo mucaaradka.
