
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeymo culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin AS.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay, iyagoo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah in ay duqeymo ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada magaalada Maxaas sida Mukayle, Shaw iyo tuullooyin kale.
Bayaanka Hay’adda ayaa lagu sheegay in Duqeymaha lala beegsaday oo goobo hubka iyo gaadiidka lagu keydiyo, isla markaasna ay leeyihiin AS.
Sidoo kale, Howlgalka ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhinaca AS laga dilay ilaa 26 xubnood, sida ay tilmaamtay NISA.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ayaa duqeymo dhinaca cirka ah waxaa ay ka fuliyaan goobahaa ay ku sugan AS sida magaalada Maxaas iyo deegaannada hoos yimaada oo ay la wareegeen sannadkii hore.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka NISA

