Taliska Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer kutagay xeryaha ciidanka xooga dalka iyo kuwa daraawiishta koonfur galbeed sidoo waxay warbixin ka dhagaysteen ciidankada, waxay sheegeen in xooga lasaaro adkeynta amniga deegaanka, xaaladda amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Gobolka Bakool.
Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Ciise Jelle Isack, iyo Kaaliyaha Guutada 9-aad, Dhamme Cilmi Aadan Isack, ayaa kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad oo fariisimo ku leh duleedka magaalada Xudur, xarunta Gobolka Bakool.
Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isagoo ku tilmaamay askarta inay yihiin “geesiyaal qaran oo cadowga dharbaaxo adag ku gaarsiiya goobaha dagaalka.”
G/le Ciise Jelle Isack ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana la dardargelin doono dadaallada lagu xoreynayo deegaanada ay kooxdu weli ku sugan tahay.
Kormeerkan ayaa kusoo beegmaya xilli Gobolka Bakool ay ka socdaan howlgallo amni oo ay wadaan ciidamada dowladda, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Xudur.
Dhanka kale War saxaafadeed kasoo baxay taliska guutada 9-aad ee qeybta 60_aad ciidanka xooga dalka soomaaliyeed taas oo lagu sheegay inay mid kamid ajaaniibta kooxda alshabaab inuu isku soo dhiibay ciidanka Kumaandooska qaranka iyo kuwa daraawiishta koonfur galbeed ee deegaanka qurac joome gobalka bakool.
HOOS KA EEG WAR SAXAAFADEEDKA

WARSAN RADIO — Codka Shacabka
