Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Isbitaalka Degmada Baraawe iyo xarumo kale oo caafimaad oo bulshada loogu adeego.
Wasiirka oo ay weheliyeen Guddoomiyaha Degmada Baraawe, qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo madax ka socday Hay’adda SOS, ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Degmada Baraawe.
Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageystay maamulka iyo bahda caafimaadka ee ka howlgasha isbitaalka, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo caqabadaha hortaagan horumarinta adeegyada.
Sidoo kale, wafdiga ayaa booqday xarumo caafimaad oo ku yaalla xaafadaha magaalada Baraawe iyo xeryaha dadka barakacayaasha ah, halkaas oo ay ku qiimeeyeen adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidiyo.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta tayada adeegyada caafimaad, ogaanshaha baahiyaha xarumaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada deegaanka iyo dadka barakacayaasha ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sii dardargelinaysa dadaallada lagu xoojinayo laguna ballaarinayo adeegyada caafimaadka, si bulshada ku nool dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana la isku halleyn karo.






DHAMMAAD
