
Shirkii Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada oo Muqdisho ka furmay ayaa xooga lagu saaray wacyo gelinta warbaahinta iyo dhalinyarada wacyi gelin guud loo sameeyo.
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir muhiim ah oo looga hadlayo dadaallada la-dagaallanka argagixisada, kaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).
Safiirka iyo wakiilka Isbahaysiga ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Ambasador Cabdiraxmaan Maxamed Turyare, ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan iyo doorka Isbahaysiga ee xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimada.
General Turyare ayaa sheegay in shirku fursad muhiim ah u yahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira amniga, ka hortagga xagjirnimada iyo sidii loo horumarin lahaa hababka wax looga qabanayo khataraha argagixisada.
Shirkan oo lagu qabanayo Muqdisho ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga, iyadoo dalka uu muddo dheer wajahayay khataraha kooxaha argagixisada.
Mas’uuliyiinta ka qeybgalaya shirka ayaa la filayaa inay diiradda saaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada, is-dhaafsiga xogaha iyo khibradaha, iyo taageerada dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.
