
Muqdisho: Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Duuliye Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda daahfurka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee “Wariyayaasha Nabadda”, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xoghayaha Guud ayaa sheegay in warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadan karto ka hortagga marin-habaabinta, fikirka xagjirka ah iyo faafinta wararka abuuri kara kala-qaybsanaanta bulshada.
Wuxuu xusay in suxufiyiintu ay yihiin saaxiibbo muhiim u ah dadaallada lagu dhisayo nabadda, isagoo ku boorriyey warbaahinta Soomaaliya inay xoojiso tebinta mas’uuliyadda leh, wacyigelinta bulshada iyo faafinta fikradaha dhexdhexaadka ah.
Sarreeye Gaas Al-Moghidi ayaa sidoo kale caddeeyey in IMCTC ay sii wadi doonto taageerada ay Soomaaliya siiso, gaar ahaan barnaamijyada iyo hindisayaasha lagu xoojinayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada.
Hindisaha “Wariyayaasha Nabadda” ayaa diiradda saaraya sidii loo xoojin lahaa awoodda warbaahinta iyo suxufiyiinta, loogana dhigi lahaa qayb firfircoon oo kaalin ka qaadata dhismaha nabadda, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Munaasabadda ayaa ka tarjumaysa muhiimadda sii kordheysa ee iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada, iyadoo warbaahinta loo arko aalad muhiim ah oo lagu xoojin karo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Halkan hoose kadaawo
https://x.com/Warsannews/status/2091338062181646450
