
Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Ciidamada Milatariga Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Mohammed bin Saeed Al-Moghedi, ayaa sheegay in wariyeyaashu ay yihiin shuraako muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata sugidda amniga, nabadda iyo wacyigelinta bulshada.
Hadalkan ayuu ka jeediyey furitaanka barnaamij tababar oo magaalada Muqdisho loogu qabtay wariyeyaasha, kaas oo diiradda lagu saarayo nabadda iyo ka hortagga xagjirnimada.
Sarreeye Gaas Al-Moghedi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay warbaahin dhalinyaro badan oo firfircoon, taas oo awood u leh inay bulshada ka wacyigeliso khataraha xagjirnimada, xoojiso dhaqanka nabadda, isla markaana door ka qaadato ka hortagga wararka marin-habaabinta ah iyo isku-dayada lagu faafinayo fikradaha xagjirka ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyey in hadalka xog-ogaalka ahi uu dhiso wacyiga bulshada, halka warbixinta xirfadaysani ay muhiim u tahay ka hortagga wararka been-abuurka ah.
Sidoo kale, ayuu sheegay in warbaahinta masuulka ahi ay bulshada ka ilaalin karto fikrado waxyeello u geysan kara amnigeeda, midnimadeeda iyo mustaqbalkeeda.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu Isbahaysiga IMCTC ka fulin doono hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheeyay inay socdaan illaa sannadka 2027.
Tababarka ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda sii kordheysa ee la siinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga iyo warbaahinta, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa tebinta mas’uuliyadda leh, wacyigelinta bulshada iyo dadaallada looga hortagayo xagjirnimada iyo marin-habaabinta.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta ayaa xusay in warbaahin xirfad leh oo masuuliyad ku shaqeysa ay door muhiim ah ka qaadan karto dhismaha bulsho nabdoon, xog-ogaal ah iyo mid ka hortagi karta saameynta fikradaha xagjirka ah.


