
ICRC oo taageero dhaqaale iyo tababar ganacsi gaarsiisay 600 qoys oo nugulGuddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegay in taageero la gaarsiiyay 600 qoys oo nugul oo ay saameeyeen colaadda ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Qoysaska ka faa’iideystay taageeradan ayaa isugu jiray qoysas ay haween madax u yihiin, qoysas ay dhallinyaro hoggaamiyaan, dadka qaba naafada, dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo ganacsatada yaryar ee ay colaadaha saameeyeen hab-nololeedkooda.
ICRC ayaa sheegtay in qoys kasta la siiyay lacag dhan ku dhowaad 390 doollar, taas oo loogu talagalay in lagu taageero dib-u-soo kabashada noloshooda iyo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.
Marka laga soo tago taageerada lacageed, dadka ka faa’iideystay barnaamijka waxaa sidoo kale la siiyay tababar ku saabsan maamulka iyo maaraynta ganacsiga, si ay uga faa’iideystaan dhaqaalaha loo fidiyay, una abuuraan ama dib ugu soo celiyaan ilo dakhli oo waara.
Taageeradan ayaa kusoo beegmaysa xilli colaadaha iyo amni-darradu ay saameyn ku yeesheen dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka bulshada ku nool deegaannada xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya.
ICRC waxay sheegtay in barnaamijyada noocan ah ay qayb ka yihiin dadaallada lagu caawinayo dadka nugul ee ay colaadaha saameeyeen, iyadoo xoogga la saarayo in qoysasku dib u dhistaan nolol iyo dhaqaale ay si madax-bannaan ugu tiirsanaan karaan.
