
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Aadan Macallin Cabdiraxmaan (Shaati), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah masaajidda waaweyn ee magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa si gaar ah u booqday Masjidka Jamaac iyo Masjidka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay maamulka iyo culimada masaajidda, isagoo ka xog-wareystay xaaladda goobaha cibaadada iyo adeegyada diimeed ee bulshada loo hayo.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda, masaajidda, culimada iyo bulshada.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay waxay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta barashada diinta Islaamka, wacyigelinta bulshada, kobcinta doorka culimada iyo ilaalinta midnimada iyo nabadda bulshada.
Wasiirka waxaa kormeerka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Mubaarak, iyadoo booqashadu qeyb ka tahay qorshayaasha Wasaaradda ee lagu horumarinayo adeegyada diimeed iyo wada-shaqeynta hay’adaha diinta.
Wasaaradda Awqaafta ayaa sheegtay in xiriirka dhow ee lala yeesho culimada iyo masaajidda uu muhiim u yahay sidii bulshada loogu gudbin lahaa fariimaha ku saabsan nabadda, wadajirka, akhlaaqda wanaagsan iyo fahamka saxda ah ee diinta.















