Nairobi: Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa magaalada Nairobi kulan shaqo kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), oo ay ka mid ahaayeen Marwo Cecilia Kleimert iyo Mudane Per Karlsson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo sidii loo heli lahaa fursado taageero oo waafaqsan mudnaanta Wasaaradda, gaar ahaan hoggaaminta iyo awood-siinta dhallinyarada, ka-qaybgalka bulshada, kobcinta fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka ayaa kulanka ku soo bandhigay mudnaanta Wasaaradda iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyadoo si gaar ah loo xusay Qorshaha 100-ka Maalmood ee Wasaaradda.
Qorshahan ayaa qayb muhiim ah ka dhigay Stakeholder Engagement iyo Donor Mapping, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka Wasaaradda ay la leedahay daneeyayaasha iyo hay’adaha horumarinta, isla markaana lagu aqoonsanayo fursadaha iskaashi iyo taageero ee la jaanqaadaya baahiyaha iyo mudnaanta Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa sidoo kale ka tarjumaya dadaallada Wasaaradda ee lagu hirgelinayo himilada horumarineed ee Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), gaar ahaan xoojinta doorka dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.
Wasiir Mowliid Xasan Xuseen ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden iyo SIDA taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta lagu horumarinayo fursadaha dhallinyarada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu raadinayo iskaashi iyo taageero caalami ah, si loo abuuro fursado waxbarasho, shaqo, dhaqaale iyo ciyaareed oo wax-ku-ool u ah dhallinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
