Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka War Rooti, oo ku dhow deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Khawaarijta ayaa ciidamada u suurageliyay inay gacanta ku dhigaan laba xubnood oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo lagu qabtay intii uu socday howlgalka.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan xoojinta amniga, ilaalinta shacabka iyo wiiqidda awoodda Khawaarijta ee ka jirta deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Saciid Axmed Siidii, ayaa ciidamada Kumaandooska Danab uga mahadceliyay dadaallada ay ku bixinayaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka Khawaarijta.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada howlgallada qorshaysan ee ay ka fulinayaan deegaannada gobolka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii wado dadaallada lagu sugayo amniga iyo badbaadada shacabka.
Howlgallada noocan ah ayaa ka mid ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxaha hubeysan, iyadoo Shabeellaha Hoose uu yahay mid ka mid ah gobollada ay ciidamada ammaanku ka wadaan howlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga.



