
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka u gudbisay hindise sharciyeedka lagu dhisayo Golaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo hadda galay marxaladda doodda iyo ansixinta, iyadoo la raacayo habraaca sharci-dejinta dalka.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali, oo Golaha Shacabka ka hor hadlay, ayaa sheegay in dhismaha Golaha Culimadu uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo culimada Soomaaliyeed, laguna xoojinayo doorkooda bulshada, sidoo kalena lagu horumarinayo wada-tashiga u dhexeeya dowladda iyo culimada.
Hindise sharciyeedkan ayaa ka kooban saddex cutub iyo 30 qodob, kuwaas oo qeexaya saldhigga sharci ee Golaha, qaab-dhismeedkiisa, awoodihiisa, waajibaadkiisa iyo howlaha uu qabanayo.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeeddada hindise sharciyeedku tahay in la sameeyo gole qaran oo leh hannaan sharci ah iyo isla-xisaabtan, kaas oo ka shaqeeya danaha dalka, diinta iyo bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Culimadu uu door ka qaadan karo xoojinta midnimada culimada, taageeridda nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyo gacan ka geysan kara xallinta khilaafaadka bulshada.
Sidoo kale, Golaha ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato wacyigelinta dhinacyada diinta iyo akhlaaqda, iyo wax ka qabashada wararka marin-habaabinta ah ee diinta iyo fikradaha xagjirka ah.
Hindise sharciyeedka ayaa ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka soo maray wadatashi iyo dib-u-eegis dhinaca sharciga ah. Wasaaradda Awqaafta ayaa Golaha Shacabka ka codsatay inuu ka doodo isla markaana ansixiyo.
Golaha Shacabka ayaa hadda bilaabi doona ka doodista hindise sharciyeedka, ka hor inta uusan u gudbin marxaladaha kale ee uu dhigayo nidaamka sharci-dejinta Soomaaliya.
