Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaannada beeraha iyo caqabadaha ay wajahaan beeraleyda, xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gobolka ka wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Beeraleyda ayaa mas’uuliyiinta u gudbiyay cabashooyin la xiriira dhibaatooyin ay sheegeen in kooxda Al-Shabaab ku hayso deegaannadooda, iyo sidoo kale waxyeellooyin ay tilmaameen inay kasoo gaareen qaar ka mid ah howlgalladii amni ee dhawaan ka dhacay gobolka.
Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah u dhageystay cabashooyinka beeraleyda, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in inta ay socdaan howlgallada amni la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah, hantidooda iyo wax-soo-saarka beeraha.
Sidoo kale, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in cabashooyinka beeraleyda la diiwaangelin doono, lana gaarsiin doono hay’adaha ay khuseyso, si loo baaro dhacdooyinka la soo sheegay, loogana qaado tallaabooyin ku habboon.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Shabeellaha Hoose uu yahay mid ka mid ah gobollada muhiimka u ah wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, isla markaana ay ka socdaan howlgallo ciidan oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay kooxaha hubeysan ka howlgalaan.




