Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Danjire Khadiija Maxamed Diriye, ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeysay Hindise-sharciyeedka Arrimaha Qoyska iyo Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta.
Labadan hindise-sharciyeed ayaa diiradda saaraya xoojinta ilaalinta sharci ee qoysaska Soomaaliyeed iyo carruurta, iyadoo la doonayo in la dhowro xuquuqdooda, karaamadooda iyo fayo-qabkooda.
Wasiiraddu waxay xildhibaanada u soo bandhigtay muhiimadda ay sharciyadan u leeyihiin dhismaha qoys Soomaaliyeed oo leh ilaalin iyo taageero sharci, iyo sidoo kale sidii carruurta loo siin lahaa xuquuq iyo daryeel waafaqsan shuruucda dalka.
Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta ayaa si gaar ah looga gol leeyahay in la xoojiyo ilaalinta carruurta, daryeelkooda iyo xaqa ay u leeyihiin nolol ammaan ah iyo horumar.
Labada hindise-sharciyeed ayaa hadda horyaalla Golaha Shacabka, waxaana laga filayaa inay maraan hannaanka baarlamaanka ee akhrinta, doodda iyo ansixinta ka hor inta aysan noqon sharci rasmi ah.




