Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyey Kalfadhiga 1-aad, kulankiisa 7-aad, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista Miisaaniyadda Dowladda iyo wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.
Kulanka ayaa xubnaha Golaha Wakiilladu si qoto dheer uga doodeen qodobadii horyaallay, gaar ahaan dib-u-eegista Miisaaniyadda Dowladda iyo wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.
Dood iyo falanqeyn kaddib, Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista Miisaaniyadda Dowladda iyo wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha, iyadoo sidaas lagu soo gabagabeeyey kulanka.
Ansixinta labada qodob ayaa qeyb ka ah howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha uu sii wadi doono ka shaqeynta arrimaha horyaalla inta lagu guda jiro kalfadhigan.

