Muqdisho: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay guddoomiyay kulamo farsamo oo looga hadlayay hirgelinta Nidaamka Maareynta Macluumaadka Beeraha (AMIS – Agricultural Management Information System).
Kulamada ayaa lagu soo bandhigay laguna falanqeeyay qaab-dhismeedka iyo awoodaha nidaamka AMIS, oo loogu talagalay inuu noqdo madal dijitaal ah oo dhexe oo isku xirta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Beeraha ee Dowlad Goboleedyada.
Nidaamka ayaa diiradda saaraya in la mideeyo ururinta, kaydinta, maaraynta iyo wadaagista xogta la xiriirta beeraha, taas oo muhiim u ah in la helo sawir mideysan oo ku saabsan xaaladda wax-soo-saarka beeraha dalka.
Intii ay socdeen kulamada, waxaa si gaar ah looga hadlay qaab-dhismeedka farsamo ee AMIS, dashboards-ka xogta, warbixinnada, maamulka xogta, iyo habka Dowlad Goboleed kasta loogu siinayo marin u gaar ah oo uu ku maareyn karo xogta beeraha ee deegaankiisa.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hirgelinta nidaamkan ay gacan ka geysan karto yaraynta shaqada gacanta ah, dedejinta helitaanka xogta iyo kor u qaadista tayada xogta beeraha, taas oo muhiim u noqon karta qorsheynta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarinta wax-soo-saarka beeraha.
AMIS ayaa sidoo kale la filayaa inuu fududeeyo in go’aannada la xiriira horumarinta beeraha, qorsheynta wax-soo-saarka iyo adeegyada beeraleyda lagu saleeyo xog mideysan, sax ah oo waqtigeeda la heli karo.
Hirgelinta nidaamkan ayaa noqonaysa tallaabo dhanka dijitaaleynta iyo casriyeynta maamulka xogta beeraha Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay muhiimad sii yeelanayaan xogta saxda ah iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad .Goboleedyada.







