
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu siinayo 1,058 boos oo dhul ah dadka danyarta ah ee ay saameeyeen dib-u-habaynta waddooyinka iyo dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab)ayaa sheegay in dhulkaasi uu ku yaallo degmada Gubadley, isla markaana uu leeyahay Maamulka Gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu dib-u-habeynayo caasimadda, iyadoo dadka laga saarayo waddooyinka iyo goobaha danta guud loo diyaarinayo deegaan kale oo rasmi ah.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawsha ka socota Muqdisho aysan ahayn burburin iyo barakicin, balse ay tahay dib-u-habeyn iyo dib-u-dejin.
“Waxa socdaa ma aha burburin iyo barakicin ee waa dib-u-habeyn iyo dib-u-dejin,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka ay saameysay dib-u-habaynta magaalada ay waayeen goobihii ay hore ugu noolaayeen, sababo ay ka mid yihiin waddooyinka cusub ee laga sameynayo xaafadaha iyo ciriiriga ka jiray dhulalka ay deganaayeen.
Sida uu sheegay, qoysas badan ayaa ku noolaa dhul aad u yar, iyadoo mararka qaar hal goob ay wada deganaayeen laba ilaa afar qoys, taas oo keentay in qaar ka mid ah dadkaasi ay si gaar ah u saameeyaan qorshaha dib-u-habaynta magaalada.
Maamulka Banaadir ayaa sheegay in 1,000 ka mid ah 1,058-da boos loo qoondeeyay dadka ay si toos ah u saameeyeen dib-u-habaynta waddooyinka, halka 58-ka boos ee soo harayna loo adeegsan doono dhismayaasha iyo adeegyada danta guud.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in goobta cusub laga hirgelin doono xarunta maamulka waaxda, xarun booliis, xarun caafimaad oo MCH ah, suuq yar iyo masaajid, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo goobo ay bulshada iyo dhalinyaradu isticmaalaan.
Wuxuu intaas ku daray in dhulka dadka loo siinayo uu noqon doono bilaash, isla markaana aan qofka laga qaadi doonin lacag lagu beddelanayo booskii ama dhulkii uu hore u deganaa.
